Boqoradii ugu waqtiga dheereyd Dalka Ingiriiska Queen Elizabeth II oo Geeriyootay.

Boqoradii dalka UK Queen Elizabeth II, oo aheyd boqoraddii ugu xilliga dheereyd ee taariikhda dalkaasi, ayaa maanta ku geeriyootay da’da 96 sanojir ah.

Warka geeriyda Boqoradda waxa dhaaciyey Qasriga Boqortooyada ee Buckingham Palace. Wiilka ugu weyn carruurteeda ee Charles oo ah 73 sano jir, ayaa si degdeg u noqonaya boqorka cusub, sida ku cad xeerka Boqortooyada UK.

Queen Elizabeth ayaa aheyd boqorad tan iyo 1952-kii, markaasi oo ay beddeshay aabaheed Boqor George VI, waxayna xilka boqortooyada haysay 70 sano. Geerida ayaa lagu dhowaaqay saacado kadib markii qasriga boqortooyada ee Buckingham Palace uu sheegay in dhaqaatiirta “ay walaac ka muujiyeen” caafimaadkeeda, isla markaana soo jeediyeen in korjoogteyn caafimaad lagu hayo.

Elizabeth, oo ah 96 jir, ayaa waxaa tan iyo bishii October ee sanadkii tegay haystay dhibaatooyin caafimaad oo ka dhigay inay ku dhibtooto inay istaagto.

Waxay ka Dhashay; Prince Charles, oo ah 73 jir iyo dhaxal-sugaha, Princess Anne oo ah 72 jir, Prince Andrew oo ah 62 jir iyo Prince Edward oo ah 58 jir.

Dhimashada Boqorada ayaa ka dhigi doonta in Britain iyo dowladaheeda Barwaaqo-sooranka ay galaan muddo toban maalmood ah oo baroor diiq ah iyadoo malaayiin dadkeeda ah oo ku nool UK iyo dibadda ay tacsi u dirayaan.