Ilhaan Cumar oo u jawaabtey McCarthy oo doonaya in laga saaro Guddiga Arr. Dibedda (Kulan uu Yuhuudda la yeeshay).

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Wakiillada ee Koongareeska Maraykanka ayaa jawaab ka bixisay hanjabaadii hoggaamiyaha xisbiga Jamhuuriga ee laga tirada badan yahay ee Kevin McCarthy ee ah in uu ka saarayo Guddiga Arrimaha Dibedda ee Aqalka, iyadoo ku eedeysay in McCarthy iyo xisbiga Jamhuurigu ay si joogto ah iyada ugu weerarayaan “Islaam nacayb iyo cunsuriyad”.

McCarthy, oo rajaynaya in uu noqdo afhayeenka xiga ee aqalka, ayaa ballanqaaday marar badan dabayaaqadii todobaadkii hore in uu Ilhaan ka saari doono Guddiga Arrimaha Dibedda, isaga oo ku eedeeyey inay samaysay “faallo liddi ku ah Yuhuudda”.

“Laga bilaabo markii la i doortay, xisbiga Jamhuurigu waxa uu hadaf ka dhigteen inay adeegsadaan cabsi, nacayb, Islaamnacayb iyo cunsuriyad si ay iigu beegsadaan Aqalka iyo malaayiin Doollar oo xayeysiis ah,” ayay Ilhaan ku tiri bayaan ay soo saartay.

Dadaalka McCarthy ee ah inuu si gaar ah iigu beegsanayo si quursasho iyo nacayb ku dheehan yahay – oo ay ku jirto hanjabaadda ah in ay iga xayuubinayo xubinnimada guddiga – waxba kama tarayso arrimaha ka taagan degaan doorashadayda. Waxba kama qabato sicir-bararka, daryeelka caafimaadka, ama xallinta dhibaatada cimilada.” ayay raacisay.

Haddii McCarthy uu noqdo afhayeenka Aqalka WAKIILLADA, wuxuu la wareegi doonaa jagada cusub kaddib marka ay aqlabiyadda cusub ay qaataan Jamhuurigu bisha Janaayo. Si kastaba ha ahaatee, ma lahaan doono awood hal dhinac ah oo uu Ilhaan kaga saaro guddiga – taas oo u baahan in cod looga qaado Aqalka Congress-ka.

Sabtidii, intii lagu guda jirey khudbad uu u jeediyay Isbahaysiga Yuhuuda ee Jamhuuriga, waxaa uu u adeegsadey fursad uu kusii nudo ololaha ka dhanka ah Ilhaan waxaanu McCarthy ku yiri:

Waan xusuustaa wixii ay ka sheegtay Israel. Waxaan xusuustaa wixii ay ka tiri xiriirka mar dambe kuma sii jiri doonto guddiga arrimaha dibedda, anigu ballankaas waan oofinayaa.”