Dagaal ‘lagu jabiyay Al-shabaab’ oo ka dhacay Shabellaha Dhexe.


Dagaal culus oo u dhaxeya Dadka degaanka oo taageero ka helay ciidamada dowlada iyo kooxda Alshabab ayaa shalay galinkii dambe ilaa xalay fiidkii ka socday degaanka Ceel-dheere oo ka tirsan degmada Adan Yabaal ee gobolka Shabellaha dhexe.

Dagaalka ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah.

Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane oo ku sugan furinta dagaalka ayaa xalay uga waramay wariyaha VOA-da ee magaalada Baledweyne Xuseen Xasan Dhaqane.