Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin ayaa Jimcihii kulan gaar ah la qaatay hooyooyinka askarta Ruushka .

Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin ayaa Jimcihii kulan gaar ah la qaatay hooyooyinka askarta Ruushka oo ay ku jiraan kuwa hadda ka dagaalamaya Ukraine. Madaxwaynaha ayaa sheegay in hoggaanka dalku, iyo isaga shaqsi ahaantiisu uu la wadaago xanuunka ay qabaan.

Putin ayaa sheegay inuu isagu dalbaday inuu la kulmo hooyooyinka askarta sababta oo ah waxa uu doonayey in uu maqlo fikradahooda, waaya aragnimadooda iyo macluumaadka ay ka heleen jiidaha hore ee dagaalka, sida uu yiri.

“Macluumaad badan ayaa iiga yimaada ilo kala duwan, laakiin qiimayntiinna, fikradahihiinna, iyo soo jeedintiinnu, waa arrin gebi ahaanba ka duwan,” ayuu yiri Putin, isaga oo intaa ku daray inuu isku dayi doono inuu hubiyo in wax walba oo lagaga wada hadlay kulanka xisaabta lagu dari doono oo loo isticmaalo nolosha dhabta ah “sida ugu badan.”

“Waxaan samayn doonnaa wax walba oo aan awoodno si aadan u dareemin in la idin dayacay, waxaana samayn doonnaa wax walba oo nagu xiran si aad u dareentaan inaad garab leedihiin,” ayuu yiri MW Putin.

Putin ayaa ku ammaanay haweenka sida ay u korinayeen rag dhab ah oo geesiyaal ah, isagoo xusay in go’aankooda ay ugu adeegayaan dalkooda uusan ahayn mid ku yimid “wax tilmaamo ah iyo niyad-dhisid” balse ay ku timid “tusaalaha shakhsi ahaaneed” ee waalidkood u noqdeen.

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa sheegay in mararka qaar uu talefoonka kula hadlo dadka adeegayaasha ah, islamarkaana qaarkood uu la yaabay mowqifkooda ku aaddan gudashada waajibaadkooda. “Tani waxay i siinaysaa sabab kasta oo aan u iraahdo waa geesiyaal.” ayuu yiri Putin.