Halkee ayay ka howlgali doonaan ciidamadii lagu tababaray Eritrea ee dalka ku soo laabtay?

Waxaa magaalada Muqdisho maanta ka dagtay diyaarad sidday qeybtii ugu horreysay ee ciidamadii Soomaaliya ee tababarka u joogay dalka Eritrea.

Ciidamadan maanta Muqdisho gaaray ayaa isugu jira qeybaha kala duwan ee ciidamada, sida kuwa badda sida ay dowladdu sheegtay .

Wasiirka gaashaandhiga ee Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo BBC-da la hadlay ayaa ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo tirada ciidamada maanta gaaray Muqdisho.

“Tiro ma rabo inaan kuu sheego laakiin ciidankii Soomaaliyeed ee tababarka ugu maqnaa dalka Eritrea oo in muddo ah shacabka Somaaliyeed iyo dowladda federaalka dadaalkii uu sameeyay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo labo jeer meesha tagay, tababarkii wuu u soo dhammaaday, qeybtii ugu horreysay-na maanta ayay soo degeen, “ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa sheegay in ciidamadan ay ka qeyb qaadan doonaan howlgallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab ee qeybo ka mid ah dalka ka socda.

“Haddii Ilaahey yiraahdo waxaan rajeyneynayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga qeyb qaataan howlgallada lagu cirib tirayo khawaarijta dalka,” ayuu yiri.

Cabduqaadir ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadii lagu tababaray Eritrea dhammaan ay dalka dib ugu soo laaban doonaan maalmaha soo socda.

“Waxaa dalka yimid qeybtii ugu horreysay inta dhimanna sida ugu dhaqsiyaha badan ayay u imaanayaan maalmaha nagu soo fool leh waxayna ka qeyb qaadan doonaan waajibaadkii loogu talagalay,” ayuu intaa ku daray. Wasiirka oo aan wax ka waydiinnay halka ay ciidamadan ka howlgali doonaan ayaa sheegay in dhammaan dalka ay ka howlgali doonaan.

“Dhammaan dalka ayay ka howlgali doonaan meel allaale iyo meeshii waajibaad laga siiyo oo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed guud ahaan dalka ayuu ka howlgalayaa,” ayuu yiri wasiirka.

Sawir hore , Ciidamada badda ee lagu tababaray Eritrea

Ciidamadan ayaa intii ay tababarka u joogeen dalka Eritrea waxaa ka soo baxay warar kala duwan oo qaarkood walaac xambaarsanaa.

Qaar ka mid waaliddiin sheegay in ay carruurtooda ka mid ahaayeen ciidamadan ayaa muddo dheer walaac ka muujnayay badqabkooda.

Wasiirka gaashaandhiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in askarta marka ay dib ugu soo laabtaan dalka ay ehelladooda booqan karaan lana kulmi karaan, balse faahfaahin kama bixin arrintan sida ay u dhaceyso.

“Ciidamada marka ay yimaadaan xabsi kuma jiraan waaliddiintooda , walaalahooda iyo qaraabadoodii iyo qof walba oo ehel u ah meel walba oo ay joogaan ayuu ku booqan karaa iyagana ay ku booqan karaan laakiin ma rabo inaan hadda ka faalloodo maalin hebel ayaa la fasaxayaa iyo maalin hebel ayay shaqo soo galayaan,” ayuu yiri wasiirka.

Intii lagu guda jiray ololihii doorashada Soomaaliya ayaa waxaa soo baxayay warar sheegayay in ciidamadan ay ka qeyb galeen dagaalkii u dhaxeeyay ciidamada dowladda dhexe ee Itoobiya iyo kuwa TPLF.

Xukuumaddii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilligaas beenisay warkaasi.

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa markii uu xilka ku wareejinayay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu markii ugu horreysay shaaciyay in ay jiraan 5000 oo askari oo ay Eritrea u tababartay Soomaaliya kuwaasi oo tababarka dhammeystay.

Booqashadii Madaxweyne Xasan Sheekh ee ciidamada

Booqashadii Xasan sheekh

Bishii July ee sanadkan waxaa markii ugu horreysay fagaaro lagu arkay ciidamadii tababarka u joogay dalka Eritrea, halkaas oo xero ay ku jireen uu ugu tagay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo uu wehelinayay dhiggiisa dalka Eriteriya, Isaias Afwerki ayaa kormeeray cutubyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ah oo tababbar u jooga dalkaas. Wuxuu warbixinno ka dhageystay qaar ka tirsan saraakiisha iyo askarta.

Madaxweyanaha ayaa xilligaas ballan-qaaday in askartaas dib loogu celin doono dalkooda. 

Waxyaabaha uu ballan-qaaday madaxweyne Xasan Sheekh intii aan la dooran waxaa ku jira arrinta ciidamadan.

Dowladdii hore wuxuu ku dhaliilay qaabka ay u maamushay kiiska dhallinyaradaas.

Hase yeeshee, wuxuu ballan-qaaday in arrinta dhallinyaradaas ay noqon doonto howlaha muhiimadda koowaad u leh maalinta uu xafiiska tago.