Dagaal u dhaxeeyo Al-shabaab oo ka dhacat gobalka Mudug

January 1, 2023 

Wararka naga soo gaarayo gobalka Mudug ayaa sheegaya in xubna ka tirsan ururka alshabaab uu dagaal ku dhexmaray degmada Xarardheere ee gobalka Mudug.

Inta la xaqiijiyay 10 xubnood oo ka tirsan ururka alshabaab ayaa ku dhimatay dagaalka, sida ay dowladda Soomaaliya ay xaqiijisay.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii horjooge lagu magaacabo Muxudiin Daqare iyo koox uu hoggaaminayo ay isaga baxeen magaalada, iyaga oo ka gadoodsan horjoogayaal kale oo magaalada yimid.

Nin lagu magaacabo Nuunaale oo la sheegay in uu yahay horjoogaha kooxda loogu yeero Jamhadda, ayaa amar ku bixiyay in la horjoogsado kooxda taabacsan Muxudiin Daqare.

Al-shabaab ayaa la sheegay in dagaalka kamid ay soo saareen amaro lagu soo rogayo xubnaha kooxda ayna kamid yihiin;

1. In Gaadiidka nuuc kasta oo ay haystaan al-shabaab aanan laga dhaqaajin karin halka uu yaalo, ilaa amar danbe. Ayagoo ka baqdin qaba in Gawaarida ay haystaan lala goosto.

2. In Maleeshiyo iyo Horjooge kasta ah oo al-shabaab ah halka lagu ogyahay uusan ka tagi Karin, ayagoo kala ilaalinaya in horjoogayaasha inay isku gudbaan maadaama qaar laga shakisanyahay.