Guudlaawe oo shaaciyey dhibaato ka jirtay deegaanadii laga xoreeyey Al-Shabaab.

Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa saacadihii lasoo dhaafay kormeer ku maray deegaanadii laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Deegaanada kala ah Wargaadhi, Geedi-xeer, Xasan-geedi, Qaahira, Maxaa-saciid iyo Nuur-dugle oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay laga xoreeyey Al-Shabaab ayuu safar dhulka ah ku maray Cali Guudlaawe.

Madaxweynaha HirShabeelle ayaa sheegay in deegaanadii uu soo maray uu ku soo arkay xaalado aad u liita, isagoo dadka ku nool deegaanadii la xoreeyey ku tilmaamay inay ahaayeen maxaabiis oo kale.

Xarumo waxbarasho iyo kuwo caafimaad in aysan la heyn dhamaan deegaanadii laga xoreeyey kooxda ayuu sheegay Cali Guudlaawe, isagoo balan qaaday in deg deg ah uu maamulkiisu u howl-geli doono xarumihii danta guud.

Gudoomiyaha gobolka Sh/Dhexe Axmed Meyre Makaraan, Gudoomiye Axmed Daaci iyo saraakiil ciidan ayaa madaxweynaha HirShabeelle ku wehliyey safarkaas, waxayna deegaanka Nuur-dugle ugu tageen Xildhibaan Yuusuf Ibraahin Afrax iyo Xildhibaan Cusmaan Xaadoole oo hoggaaminayey howlgalkaan xoreynta ah.

“Ciidan ayaa hadda ku wajahan Aadan-Yabaal, waxayna saacadaha soo socda halkaas ka xorey doonaan Khawaarijta, ciidanka Sh/Dhexe xoreynaya iyo kuwa Hiiraan ka imaanaya waxay isaga hor imaa doonaan Aadanyabaal,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii madaxweynaha HirShabeelle ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay Al-Shabaab ka xorey doonaan dhamaan gobolka Sh/Dhexe, isla markaana ay u sii gudbi doonaan Galgaduud, gaar ahaan degmada Ceeldheer.