Madaxweyne Xasan Sheekh oo Magacaabay La-taliye cusub oo Dhalinyarro ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray wareego uu ku magacaabay La-taliye cusub oo xafiiskiisa ka shaqeyn doona.

Madaxweynaha ayaa Mudane Nasa Cige u magcaabay inuu noqdo La-taliyaha xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada, sida ay shaacisay Xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

La-taliyaha cusub oo ka mida la-taliyeyaal fara badan oo Madaxweyne Xasan Sheekh magacaabayp ayuu ku tilmaamay inuu aqoon iyo waayo aragnimo ku filan u leeyahay hannaanka diblumaasiyadda dalka, duruufaha ku xeeran iyo ahmiyadda xiriir caalamiga ah.

Xasan Sheekh wuxuu Alle uga baryey Lataliyaha xiriirka caalamiga ah iyo isu-duwaha barnaamijyada, in uu u fududeeyo masuuliyadda uu u magacaabay.

La-taliyeyaasha madaxweynaha magacaabayo ayaa sii kordhaya, iyadoo qarka u saaran inay noqdaan Gole wasiiro kale oo la mida Xukuumadda.