Ra’iiusl Wasaare Xamsa oo lagu soo dhaweeyay Jabuti.

Ra’iisulwasaraha dalka iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuti ee dalka Jabuti, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay dhiggiisa Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti, halkaasi oo si diirran uu ugu soo dhaweeyay, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan dowladda Jabuuti,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska ra’iisulwasaare Xamsa .

Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqasho rasmi oo saddex cisho ay ku joogi doona dalka Jabuuti, ayaa inta uu joogo waxa uu kulamo ku saabsan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan uu la yeelan doonaa madaxda Jabuuti.