Dowladda Somaliya oo xayiraad cusub kusoo rogtay Sheekh Xasan Daahir, kana joojisay…

Dowladda Soomaaliya ayaa xayiraad cusub kusoo rogtay wadaadak Sheekh Xasan Sheekh Daahir Aweys oo xabsi guri ku jira, una xiran fekerkiisa iyo inuusan ka tanaasulin afkaartiisa uu ku taageero Alshabaab.

Sheekh Xasan Daahir oo muddooyinkii danbe Baraha bulshada kala hadlayey dadka, doodo badanna dhaliyey ayaa hadda tallaabo laga qaaday, waxayna wararku sheegayaan in laga joojiyey adeegsigii Baraha Bulshada, lana soo koobay xoriyadii ay hore u siiday dowladii Farmaajo.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta oo la weydiiyey Farriimaha Sheekh Xasan Daahir mariyo baraha bulshada ayaa sheegay inuusan jirin qof loo ogol yahay inuu argagixiso taageero, ayna tallaabooyin ka qaadeen, arrintaasina laga bogsan doono oo aanay dib u soo noqon doonin.

Arrintan ayaa timid, kadib amarro ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka oo ku saabsan inaan la baahin karin farriimaha Alshabaab, lana xiray xarumo ay Baraha bulshada ku leeyihiin.