Muxuu Xasan Daahir Aweys ka yiri duqeyntii lagu dilay wiilkiisii iyo C/llaahi Nadiir?

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo weli xabsi guri ku ah magaalada mogadishu, islamarkaana u xiran dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay dilka wiilkiisii Dr. Ibraahim oo dhowaan ku dhintay duqeyn uu Mareykanka ka fuliyey gobolka Jubbada Hoose, taas oo sidoo kale lagu khaarijiyey Cabdullahi Nadiir oo ahaa hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo muuqaal soo duubay ayaa sheegay inuu wiilkiisa shahiiday, isaga oo sheegay inuu ku baxay gacanta Ameerikaanka, islamarkaana ay ku faraxsan yihiin ka qoys ahaan, sida uu hadalka u dhigay.

Wadaadkan xabsi guriga ku ah magaalada mogadishu ayaa sidoo kale tilmaamay in xittaa ay jeclaayeen in wiilkooda uu ku dhinto dagaalkii horey Iidaale lagula galay ciidamada dowladda Itoobiya.

“Waaba ku faraxsanahay annagu hooyadiis ayaa ugu daran, ayada waxay la rabtay dagaalkii Xabashida Iidaale inuu ka shahiido ayey hooyadii rabtay, haddana ilaahey ayey ku mahdisay, isaga oo wax ka tegay, afar carruur ah ayuu lahaa” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir.

Sidoo kale Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ka hadlay dilka Cabdullahi Nadiir oo ahaa madaxii dacwadda kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena ka mid ahaa aas aasihii kooxdaasi, wuxuuna sheegay inuu ka mid ahaa ardaydiisa, ayna u dhaxday walaashiis.

“Kan kalena (Cabdullaahi Nadiir) walaalkey buu ahaa walaashey ayaa u dhaxday, ardayna waa ii ahaa,” ayuu markale yiri Xasan Daahir Aweys.

Kol sii horeysay ayuu Ibraahim Sheekh Xasan Daahir ka qalin jebiyey jaamacadda mogadishu, xiligaas waxaa xafladiisa qalin jebinta ka qeyb galay Aabihiis.

Hadalka kasoo yeeray Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa si weyn looga falceliyey, waxaana lagu baahiyey baraha bulshada, ayada oo dadka qaar ay su’aallo badan ka keeneen, ayaga oo is-weydiinayo in uusan weli isbeddalin fikirka wadaadkan oo horey uga mid ahaa hoggaanka kooxda Al-Shabaab.