Dagaal Askartii lagu soo tababaray Eriteria ku dhexmaray Gobolka Sh/dhexe.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal ka dhacay Degmada Raage Ee Gobolka Shabellaha dhexe habeenimadii xalay oo udhaxeeyey Askartii lagu soo tababaray Dalka Eriteria & ciidan kale oo Meliteriga katirsan DFS.

Dagaalka ayaa ka yimid kadib markii la sheegay in ay kala shakiyeen ciidanka xilliga oo habeen ahaa islamarkaana xilliyada habeenkii wax koronto ah kama jirto degmadaasi.

Inta la og yahay labo Askari ayaa dhintay halka 7 kalena ay ku dhaawacmeen,waxaana ciidan ilaalo ka hayey xarunta degmada Raage ceele,ay rasaas ku fureen ciidanka oo goob aan lagu ogeyn wada degay.

Askartii lagu soo tababaray dalka Eriteria ayaa hadda umuuqda in toos ugu biiray dagaalka ka dhanka ah argagaxisada al shabaab,taas oo la rumeysan yahay in ay guulo soo hooyi karaan maadaama tababar heer sare ah soo qaateen.

Ma jirto war kasoo baxay Taliska ciidanka xoogga dalka iyo Wasaaradda gaashaandhiga oo looga hadlayo isku dhaca dhexmaray ciidanka dawladda katirsan eek u dagaalamay Raage ceele.