Rs’iisal wasaare Xamsa oo safarkiisii ugu horeeyay uga dhoofay dalka iyo ujeedkiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa safarkiisii ugu horeeyay saaka uga dhoofay dalka intii uu noqday Raiisal wasaaraha, soona dhisay xukuumadda Federaalka.

Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tunisia uga qeyb geli doona shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Africa (TICAD), kaasoo ah shirkii 8-aad oo socon doona 27-28 Ogost 2022.

Madaxda dalalka ayaa ka qeyb gelaya shirka shirweynaha 8-aad ee loo yaqaan Tokyo International Conference on Development (TICAD), waana madal kulmisa dalka Japan iyo Afrika,

Inta badan madaxda ​​50 dal oo Afrikaan ah ayaa la filayaa inay ka qayb galaan shirka oo sidoo kale ay tegi doonaan in ka badan 200 oo ka mid ah bulshada rayidka ah ee Afrikaanka ah, 108 madaxda hay’adaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, 120 hoggaamiyeyaasha ganacsiga, warshadaha, iyo hal-abuurka tignoolajiyada – taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah dhacdooyinka diblumaasiyadeed ee ugu weyn Afrika ka dhaca muddooyinkan.