Madaxweyne Xasan Sheekh oo maalintii 3-aad kadib dhaqdhaqaaq ka bilaabay Garowe.

Madaxweynaha Soomaaliya oo maalintii afraad ku sugan magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa dhaqdhaqaaq ka bilaabay halkaasi, isagoo maanta kormeer ku tegay xarumaha maamulka Puntland.

Xasan Shiikh oo maalintii afraad ku sugan Garoowe ayaa saaka booqday xarumaha dowladda ee Puntland, sida Xarunta Guddiga Doorashada, Wasaaradda Maaliyadda iyo xarumo kale, iyadoo warbixin laga siiyay waxqabadka hay’adahaasi.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii xalay uu casho sharaf u sameeyay Madaxweynaha Puntland, waxayna xalay ahayd markii ugu horeysay ee la shaaciyo kulamada Madaxweyne Xasan Sheekh ee magaalada Garowe, tan iyo markii uu halkaasi tegay Khamiistii.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kulamo miro-dhal ah la qaatay Saddaxdii maalmood ee la soo dhaafay, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Kuxigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan, ayna ka hadleen duruufaha ku xeeran dalkeenna, xoojinta wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed iyo dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Dhinaca kale Madaxtooyada Puntland ayaa ka gaabsatay inay faahfaahin ka bixiso kulamada ay yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda Puntland, waxayna qoraalka kusoo koobtay casho sharafta loo sameeyay madaxweynaha.

Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in kulamada labad dhinac ay ahaayeen kuwo adag oo si hoose looga hadlay wadashaqeynta dowladda Federaalka iyo Puntland, iyadoo arrimo adag aan weli laga heshiin.