Nin Caan ka ah Baraha Bulshada oo lagu dhaawacay Muqdisho iyo xaaladiisa oo..

Waxaa magaalada Muqdisho caawa lagu dhaawacmay nin caan ka ah Baraha bulshada oo lagu magacaabo Bilaal Bulshaawi.

Ninkan lagu magaciisa Baraha bulshada uu yahay ‘Madaxweynaha Tiktok-ga’ ayaa la dhaawacay xilli uu ku sugnaa maqaayad ku taala agaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxaana weerarray laba nin oo Bistoolado ku hubeysnaa.

Xaaladda dhaawaca Bilaal Bulshaawi ayaa wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inay degan tahay, balse ay laba xabbadodo uga dhaceen Afka iyo Dhegta hoostiisa, haddana lagula tacaalayo mid ka mida Isbitaallada Muqdisho.

Lama sheegin cidda beegsatay ninkan oo ka mida dhalinyarada Magaalada Muqdisho ee Baraha bulshada, iyadoo ay Muqdisho xowli uga socdaan dilalka qorsheysan ee casimadda ka dhacaya