Madaxweyne Ruto oo markii ugu horeysay Soomaalida Kenya u magacaabay xilal muhiim ah.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa xilal muhiim ah u magacaabay xubno ka soo jeeda Soomaalida Kenya oo markii ugu horeysay xilalkaasi ka qabanaya dalka Kenya.

Madaxweyne William Ruto ayaa Agaasimihiisa Afhayeenkiisa Madaxtooyada Kenya u u magacaabay Xuseen Maxamed, xilkan oo hore loogu saadaalinayey, isagoo ka mid ahaa kooxda warbaahinta Madaxweyne Ruto.

Xuseen Maxamed ahaa ahaa weriye sare oo ka tirsan Telefishanka caank ah ee Citizen TV, isagoo noqday madaxii fariimaha ololaha iyo xiriirka dadweynaha ee Madaxweyne William Ruto, isagoo ku wehliyey Ruto safarkii ugu horeeyay ee caalami ah oo uu ku tago Mareykanka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa Amiin Maxamed Ibraahim u magacaabay xilka Agaasimaha Waaxda Dambi-baariska ee Kenya, ee lagu magacaabo Criminal Investigations (DCI).

Amiin ayaa horay u ahaa madaxa boolika ee wasaaradda Arrimaha gudaha dalka Kenya, wuxuuna kasoo dhex baxay 10 musharaxa oo xilkan loo so xulay, isago markii dambe ka mid noqday saddexda ugu sareysa liiska.

Hay’adda DCI ee Kenya ayaa ah Hay’ad awood badan oo dowladda Kenya u qaabilsan dambi baarista guud, waxayna dabagal ku sameysaa dhammaan fal-dambiyeedyada shacabka iyo kuwa lagu tuhmo siyaasiyiinta.