Axmed Madoobe oo kororsaday Muddo xileedkiisa, loona bedelay Dastuurkii Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa kororsaday muddo xileedkiisa, kadib kulan uu Baarlamaanka Jubbaland yeeshay oo lagu ansixiyey xil u kordhinta Madaxweynaha.

Golaha wakiilada Jubbaland ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta baarlamaanka ee magaalada Kismaayo.

Kulankan Golaha Wakiilada Jubbaland oo ahaa kalfadhigi afaraad ee fadhigiisi shanaad ayaa ajandihiisu ahaa in isbedel lagu sameeyo dastuurka Jubbaland oo ahaa codsi ka yimid Axmed Madoobe, Waxaana kulanka soo xaadiray 58 xildhibaan.

30 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiilada Jubbaland ayaa hore u soo jeediyay in Qodobbada 28-aad iyo 70-aad ee Dastuurka Jubbaland oo ka hadlaya muddo xileedka maamulka iyo madaxweynaha la bedelo si loo kordhiyo.

Xildhibaanada Jubbaland ayaa ansixiyey wax ka bedelka Dastuurka, oo muddo hal sano ah loogu daray muddo xileedka xukuumadda iyo baarlamaanka Jubbaland oo markii hore ahayd 4 sanno, haddana laga dhigay 5 sanno.

Dastuurka Jubbaland ee loo bedelay si muddo xileedka loogu kordhiyo Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa ogolaaday 55 Xildhibaan, waxaa diiday 2 xildhibaan, waxaana ka aamusay 1 xildhibaan. Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxaam ayaa ku dhawaaqay natiijada muddo kororsiga.