Xildhibaan Maxamed Farmaajo oo ka hadlay xilka cusub ee loo dhaariyay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta loo dhaariyey xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka ayaa farriin uu soo diray uga hadlay xilkiisa cusub.

“Waxaan si debacsan u aqbalayaa anigoo dareensan inaan ugu adeego muwaadiniintayda xilka cusub ee aan ka mid noqday xubnaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Marna ma jiri karo xil ka weyn u adeegidda Qarankeena oo ka mid ah hay’adaha ugu muhiimsan” ayuu farriintiisa ku yiri Farmaajo.

Kulankii maanta ee lagu dhaariyey Xildhibaan Farmaajo ayaa waxaa la geeyay mooshin uu hormuud u ahaa Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur si looga hor istaago xilkaasi, laakiin xildhibannada Golaha Shacabka ayaa ka codeeyay.

Farmaajo ayaa shantii sano ee uu madaxweynaha Soomaaliya (2017 -2022) waxaa dalka ka dhacay dembiyo waaweyn oo saameyn ku yeeshay dowladnimada.