Farmaajo oo loo dhaariyay xildhibaan joogto ah iyo Mooshin ka dhan ahaa oo laga keenay..

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa lagu dhaariyey xildhibaanka cusub ee Maxamed C/llaahi Farmaajo oo noqonaya xildhibaan joogto ah, kadib markii uu xilla madaxweynaha ka degay.

Kulan oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa Ajendihiisu ahaa sidii dhaarinta Madaxweynihhi hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, laakiin waxaa Guddonka loo gudbiyay Mooshin ay geeyeen xildhibaanno ka tirsan golaha Shacabka oo ka diidanaa in la dhaariyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in 11 xildhibaan ay u soo gudbiyeen mooshin ka dhan ah in la dhaariyo Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo lagu heysto denbiyo badan intii uu xilka jooga.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in uu ka mid yahay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee mooshinka gudbiyay, wuxuuna sheegay in Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ahaa Mas’uulkii bixiyay weerarkii lagu qaaday Gurigiisa Bishii December askar badana looga dilay, isla markaana aanu weli ka hadlin dhacadaasi.

Cod loo qaaday in ajendaha lagu socdo iyo in wax laga bedelo ayaa xildhibaannadu u taageereen in lagu socdo Ajendaha Dhaarinta Farmaajo, iyadoo ay diideen 4 xildhibaan, waxaa ka aamusay 7 xildhibaan, halka 146 xildhibaan ay taageereen dhaarinta Farmaajo.