Xulka Haweenka Qaranka England Oo Ku Guuleystay CHAMPIONS Euro 2022 

Xulka qaranka England ayaa sameeyey taariikh kaddib markii gool waqtigii dheeraadka ahaa ay u dhalisay Chloe Kelly uu u horseeday inay ku guuleystaan Euro 2022 oo ah koobkii ugu horreeyey ee ay hantaan taariikhdooda.

Finalka Euro 2022 oo ka dhacay garoonka xulka qaranka England ee Wembley ayay haweenka Ingiriisku 2-1 ku garaaceen waddanka siddeedda jeer ku guuleystay koobka qaramada Yurub ee Jarmalka.

Ciyaartan oo ay daawanayaan 87,192 qof oo fadhiyey garoonka Wembley oo aan taariikhda dhow tiro intaas le’egi kasoo xaadirin, ayaa uu Ingiriisku kusoo afjaray qarniyo koobab la’aan uu kusoo jiray xulkooda haweenku.

Ella Toone ayaa kursiga kaydka uga soo kacday si ay hoggaanka ugu dhiibto xulka qarankeeda England oo qaybtii hore ku dhamaystay barbarro goolal la’aan ah inkasta oo ay ciyaarta inteeda badan maamulayeen oo ay ka dardar iyo farsamo badnaayeen kuwa Jarmalka.

Daqiiqaddii 57aad ayay Ella Toone soo gashay ciyaarta iyadoo beddeshay Fran Kirby oo dhaawac ku baxday, waxaana kubbad ay meel fog kasoo tuurtay xiddigta khadka dhexe ee Keira Walsh ay si xarrago leh u dhamaystirtay Ella Toone oo kubadda kasii dul-qaadday goolhayaha Jarmalka.

Shan daqiiqadood oo kaliya ayay Ella Toone ku qaadatay inay shabaqa kusoo taabato iyadoo dabbaal-deg weyn ka samaysay gudaha garoonka oo ay u kaceen tobannaanka kun ee garoonka fadhiyey.

Tababaraha xulka qaranka Jarmalka Martina Voss-Tecklenburg ayaa iyaduna samaysay beddel u horseeday inay goolka barbarraha ah keenaan, waxaana u dhalisay Lina Magull uu lugta bidix ku dhamaystirtay kubbad ay Wassmuth uga soo dhiibtay dhinaca midig, waxaanu goolka Jarmalku yimid daqiiqaddii 79aad.

Ciyaarta ayaa lagu daray waqti dheeraad ah markii ay 90kii daqiiqadood kusoo dhamaadeen 1-1, waxaana 30kaas daqiiqadood ku shaqaystay xulka qaranka Ingiriiska oo soo bandhigay ciyaar qaan-gaadh ah iyadoo la  moodayay in ciyaartoyda Jarmalku ay ku dawakheen qaylada taageereyaasha tirada badan ee fadhiyey garoonka.

Chloe Kelly oo iyaduna beddel kusoo gashay ciyaarta ayaa daqiiqaddii 110aad Ingiriiska u dhalisay goolka u horseeday guushan oo noqonaysa middii ugu weynayd ee xulka Ingiriisku uu ka gaadhay Jarmalka tan iyo sannadkii 1966kii, waqtigaas oo xulka ragga ee England ay koobka Adduunka ka qaadeen Galbeedkii Jarmalka.