Manchester United Oo Guul-darro Xanuun Badan Ku Bilaabatay Xilli Ciyaareedka Cusub.

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guul-darro xanuun badan ku furatay horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedka 2022-23, waxaana garoonkeeda Old Trafford ku garaacday Brighton & Hove Albion oo sidan oo kale xill ciyaareedii horena waqti badan ugaga adkaatay.

Red Devils oo ciyaar aad u liidata kusoo gashay garoonka ayaa  waxa qaybtii horeba laga dhaliyey laba gool, hase yeeshee qaybtii labaad ayay la timid hal gool oo ay iska dhalisay Brighton, waxaana saddexda dhibcood lagaga qaatay 2-1.

Ciyaartan oo ahayd kulankii koowaad ee Manchester United uu hoggaamiyo Erik ten Hag ayaa waxa qaybtii hore  kursiga kaydka fadhiyey Cristiano Ronaldo, iyadoo Brighton ay 45kii daqiiqaodod ee hore siday doonto ka yeeshay ciyaaarta.

Brighton.

Khadka dhexe ee Manchester United iyo difaaca oo kala daadsanaa ayay si fudud uga dhex adeeganayeen Trossard, Gros iyo Welbeck, waxaanay dhinaca midig iyo dhexda ka keenayeen kubbado badan oo ay halis ugu badan ku galiyeen goolhaye David de Gea.

Daqiiqaddii 30aad ayuu Pascal Gross goolka koowaad u dhaliyey Brighton & Hove Albion, kaddib markii kubbad uu dhinaca bidix kasoo dhiibay Welbeck uu laad awood badan ku weydaariyey goolhaye David de Gea oo dhawr tallaabo oo kaliya u jiray.

Brighton ayaa si weyn ugu dabbaal-degtay goolka  koowaad ee ay la timid, hase yeeshee Cristiano Ronaldo oo kursiga kaydka fadhiyey ayaa falcelin kasoo sameeyey halkaas isaga oo ciyaartoyda kooxdiisa ku dhiirigelinayay inay boodhka iska jafaan oo ay iska soo bedaan goolka laga dhaliyey.

Brighton

Erik ten Hag ayaa isaguna dhegta afka u saaray Christian Eriksen oo uu u sharraxay sida ay tahay inay iskaga dhiciyaan weerarka Brighton iyo qaabka ay u samaynayaan hal-abuur u sahla inay goolal la yimaaddaan, balse qorsheyaashaas waxba iskama beddelin.

Manchester United oo la murugaysan goolka lagala  hormaray ayaa waxay sagaal daqiiqadood kaddib aragtay kubadda oo dhex taalla shabaqooda iyo isla Pascal Gross oo dabbaal-degaya oo goolka labaad ka dhaliyey.

Xiddiga reer Germany ayaa mar kale ku dabbaal-degay Old Trafford, halka ay madaxa qabsadeen Harry Maguire oo ay kubaddu ka jiiftay iyo Lisandro Martinez.