Xulka 17 jirada Soomaaliya oo gaaray final-ka tartanka isreebreebka CECAFA.

Xulka kubbadda cagta 17 jirrada ee Soomaaliya ayaa natiijo ah Rigoorayaal (7-8) kaga adkaaday xulka 17 jirrada dalka Uganda, ciyaaraha Bariga iyo bartamaha Afrika.

Labada xul ayaa kulankooda wuxuu kusoo dhamaday 1-1. Xulka Soomaaliya ayaa gool lagala hormaray waxay iskasoo gudeen intii lagu jiray qeybtii hore ee cayaarta. Kadib markii uu gool aad u qurux badan u dhaliyay cayaaryahan lagu magacaabo Cabdixafiid.

Xulka Soomaaliya ayaa guushan uga dhigan inay u soo gudbeen Final-ka Isreebrebka 17-jirada bariga iyo bartamaha Africa. Soomaaliya haddii ay ku guulaysato tartankan waxay si rasmi ah uga qeyb gali doontaa tartanka 17 jirada ee CEFAFA oo 2023 ka dhacaya waddanka Aljeeriya.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, Maxamed Barre Maxamuud ayaa Hambalyo u diray xulka 17 jirrada guusha taariikhiga ah oo ay kasoo hoyeen  ciyaaraha Bariga iyo bartamaha Afrika.

Wasiirka ayaa ku ammaanay inay xulka uu kasoo baxay dadaalkii laga filayay, wuxuuna u rajeeyay inay ku guulaysandoonaa tartanka isreebreebka ah.

Xulka 17 jirada Soomaaliya ayaa final-ka la cyaaridoono kooxda kasoo baxday guruubka labaad, waxayna haddii ay ku guulaystaan noqonaysaa markii ugu horraysay oo tartan nuucaan ah ay qaadaan.