Maxay uga dhigantahay Soomaaliya guushii koobka bariga iyo bartamaha Afrika ee 17 jirrada?

Waxaa galabta lagu soo gabagabeyay magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, ciyaar xiiso badan oo u dhaxeysay xulalka da’doodu ka hooseeyso 17-ka ee Soomaaliya iyo Koonfurta Sudaan, taasi oo Soomaaliya ay 3-1 ku garaacday xulka qaranka Koonfurta Sudan.

Xulka Soomaaliya ee 17 sano jirrada ah ayaa tartanka ciyaaraha Isreebreebka koobka bariga iyo bartmaha Afrika ee Cecafa, waxaa ay ka dhigeen wacadaro aan caadi aheyn, iyagoo kasoo badiyay xulalka dalalka Itoobiya iyo Ugandha.

Xulka 17 jirrada Soomaaliya

Waa markii ugu horeysay oo xulka Soomaaliya ee 17 jirrada ah ay koobkaan guul ka garaan. Garoonka ay ciyaartu ka dhacaysay waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo uu ka mid yahay wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada iyo dad badan oo taageerayaal ah.

Maxamed Barre Maxamuud oo BBC-du la hadashay markii ciyaartu soo dhamaatay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay guusha ay xulka Soomaaliya gaareen.

“Aad ayaan maanta u wada faraxsanahay haddaan nahay guudahaan shacabka Soomaaliyeed waan dabaal dagaynaa, waa maalin dareenkeennu aad u sarreeyo,” ayuu yiri Maxamed Barre.

Wuxuu intaa ku daray in ciyaartooyda Soomaaliya ,ay soo bandhigeen ciyaar wanaagsan oo aad looga soo shaqeyay.

Sanadkii 2018-kii xulka 17 jirrada Soomaaliya, aya agaaray fiinaalka hase yeshee waa looga guulaystay oo waxaa koobka qaaday xulka dalkaTanzania.

Ilaa iyo hadda waxaa baraha bulshada ka socda dabaal degyada ay sameynayaan bulshada Soomaaliyeed oo si weyn ula socday ciyaarta.

Muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyay ayaa la arkayay dad u badan dhaliyaro oo lulaya calanka Soomaaliya kuna dhawaaqaya erayo ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsanyihiin guusha xulka qaranka Soomaaliya uu ciyaarta ka gaaray.