Kooxda kubadda Cagta Arsenal ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League .

Kooxda kubadda Cagta Arsenal ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League oo ay ka riixatay Manchester City ,hadaba booska ugu sarreeya Waxaa Ku jirto Gunners, ayadoo 3-0 ku soo garaacday kooxda ay isku magaalada yihiin ee Brentford.
Laba gool oo qaybtii hore ay madax ku dhaliyeen William Saliba iyo Gbariel Jesus ayaa waxa mid saddexaad oo aad u qurux badnaa ku daray saxeexa cusub ee Fabio Vieira.
Arsenal oo khadka dhexe ay u taagnaayeen Granit Xhaka, Thomas Partey iyo Fabio Vieira ayaa u diiday kooxda garoonkeeda lagu ciyaarayay ee Brentford in ay wax hal-abuur ah ka samayso khadka dhexe, taas oo keentay in kubadda la gaadhsiin waayo weeraryahannada halista badan ee Ivan Toney iyo Bryan Mbeumo oo inta badan go’doon ku ahaa meel ay adkayd in kubadda loogu keeno.