UEFA Oo Sharciyo Cusub Ku Soo Kordhisay Champions League & Amaro La Siiyay Garsoorayaasha.

UEFA ayaa ku amartay maanta garsoorayaasha Champions League inay ciqaabaan ciyaartoyda ruwaayada jila ee ka badbadiya marka qalad lagu galo iyagoo isku dayay in ciyaaryahankii taabtay kaarka hurdiga ah la siiyo.

UEFA waxay dooneysaa in la ciqaabo ciyaartoyda istuurtuura ama jiliinka sameeya marka si fudud loo taabto, wuxuuna sharcigaan dhaqangalayaa laga bilaabo kulamada wareega group-yada ee todobaadka danbe.

“Waa cadaalad darro ay ciyaartoyda qaar kula kacaan ciyaartoyda ka soo horjeeda – waxayna tusaale xun u yihiin dhaqan xumo ixtiraamdarro ah” ayuu yiri madaxa garsoorayaasha UEFA Roberto Rosetti.

Ciyaartoyda jiliinka sameeya marka qalad yar lagu galo, waxay muteysan doona in la siiyo kaarka digniinta ee hurdiga ah.

UEFA waxay sidoo kale dooneysaa in talaabo laga qaado ciyaartoyda ku soo xooma garsooraha si ay saameyn ugu yeeshaan go’aankiisa iyo sidoo kale ciyaartoyda iyo tababarayaasha ku qeyliya garsooraha.

Waxaan dooneynaa inaan dhowro sumcada kubada cagta” ayuu yiri Rosetti. “Waxaana u aragnaa dhaqankaas mid aan la aqbali karin.”

UEFA ayaa go’aanadaan cusub u sheegtay garsoorayaasha ka hor inta uusan bilaabanin Champions League todobaadka soo socda..