Liverpool Oo Ceeb, Xasuuq Iyo Bahdil La Iskugu Daray, Napoli Oo Siday Doonto Ka Yeeshay Reds.

Kooxda kubadda cagta Napoli ayaa xasuuqii ugu xumaa u geysatay Liverpool oo ay kusoo karbaashtay afar gool oo saddx ka mid ah qaybtii hore laga dhaliyey, waxaana Jurgen Klopp iyo xiddigihiisa oo murugaysan ay kusoo laabanayaan England.
Liverpool oo booqatay Napoli kulanka koowaad ee Group A, ayaa waxa lagu karbaashay 4-1, iyadoo waliba Napoli ay iska khasaarisay rigooradii ay kusii dheeraysan karayeen natiijada ciyaarta.