Sadio Mane Oo Dunida Tusay Sida Uu Ugu Adag Yahay Diinta Islaamka.

Sadio Mane Oo Dunida Tusay Sida Uu Ugu Adag Yahay Diinta Islaamka.
Xiddiga Muslimka ah ee Sadio Mane ayaa maanta haysta bogagga hore ee wargeysyada waaweyn ee Yurub, kaddib markii uu kasoo dhex muuqday ciyaartoyda Bayern Munich oo dhamaantood haysta, isla markaana xayaysiinaya Khamri.
Laacibkan Muslimka ah ee aadka ugu adag diinta Islaamka ayaa kasoo dhex muuqday sawir dhaqameedka sannadkiiba hal mar la sameeyo ee ciyaartoyda kooxdaasi ay kusoo bandhigaan khamriga Paulaner beer ee ay kooxdoodu xayaysiiso.