Tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka 2022/23 ayaa bilaabmi doona September 6.

Champions League ayaa la samaynaa maanta oo Khamiis ah. Xaflada isku aadka waxay ka dhaceysaa magalaada Istanbul ee caasimada dalka Turkiga.
Istanbul ayaa martigelin doonta finalka Champions League oo lagu qaban doono garoonka Ataturk Olympic Stadium 10ka bisha Juun 2023.
32da Kooxood Ee U Soo Baxay Wareega Group-yada Iyo Dheriyada Ay Ku Kala Jiraan
Kooxaha ayaa loo qaybiyey afar qaybood oo min siddeed kooxood ah, dheriga kowaad ama Pot 1 waxaa ku jira kooxaha ku guuleystay Champions League iyo Europa League halka lixda kooxood kale ay yihiin kooxihii ku soo guuleystay horyaalada wadamadooda xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.
Dheriga labaad (Pot 2) ilaa dheriga afaraad ((Pot 4) waxaa kooxaha lagu qiimeeyay kala sareyntooda qiimeynta kooxaha ee UEFA.

POT 1
Real Madrid
Eintracht Frankfurt
Manchester City
AC Milan
Bayern Munich
Paris Saint-Germain
FC Porto
Ajax

POT 2
Liverpool
Chelsea
Barcelona
Juventus
Atletico Madrid
Sevilla
RB Leipzig
Tottenham Hotspur

POT 3
Borussia Dortmund
FC Salzburg
Shakhtar Donetsk
Inter Milan
Napoli
Benfica
Sporting CP
Bayer Leverkusen

POT 4
Rangers
Dinamo Zagreb
Marseille
FC Copenhagen
Club Brugge
Celtic
Viktoria Plzen
Maccabi Haifa
Halkee Kala socon Kartaa Isku Aadka?
Sida aad uga barateen Wargeyska Cayaarahadunida ayaa si toos ah idiin kugu soo gudbin doona isku aadka wareega group-yada Champions League iyo weliba bixinta abaalmarinada sannadlaha ee UEFA. Waxaan tabinta tooska ah bilaabi doonaa 6pm Waqtiga Geeska Afrika, waxaad nala wadaagi kartaa aragtidaada iyo weliba saadaasha ka hor inta aan isku aadka la qabanin. Nagu soo biir 6pm Saacadaha Geeska Afrika maanta oo Khamiis ah.
Goorma ayaa la ciyaarayaa min kulamada 1aad illaa finalka
Kulamada koowaad ee wareega group-yada 1: 6/7 September 2022
Kulamada Labaad 2: 13/14 September 2022
Kulamada saddexaad 3: 4/5 October 2022
Kulamada afraad 4: 11/12 October 2022
Kulamada shanaad 5: 25/26 October 2022
Kulamada lixaad 6: 1/2 November 2022
Kulamada wareegga 16ka: 14/15/21/22 February iyo 7/8/14/15 March 2023
Kulamada semi-finalka: 11/12 iyo 18/19 April 2023
Kulamada semi-finalska: 9/10 iyo 16/17 May 2023
Finalka: 10 June 2023