Arsenal waxay 3-0 ku karbaashtay Bournemouth.

Arsenal oo hogaanka la wareegtay Xili ay gaareen guushi sadaxaad oo Xiriir ah waana markii ugu horaysay ay sidaan sameyaan muddo 18 Sano kadib ah.
rsenal waxay 3-0 ku karbaashtay Bournemouth oo ay ku booqatay Vitality Stadium, halkaas oo ay kala soo laabatay saddex dhibcood iyo saddex gool oo ka caawiyey inay la wareegto hoggaanka horyaalka Premier League
Gabriel Jesus ayay nasiib-darro ku dhacday oo kubbadihii uu shaqaystay aanay shabaqa gaadhin, waxaana hor istaagay goolhaye Travers oo ka badbaadiyey kubbado badan, halka mid uu qaybtii dambe dhaliyeyna laga diiday markii uu Martin Odegaard soo galay offside, sida ay xaqiijisay VAR oo laga soo hubiyey.