Maamulka Hirshabeelle oo ku dhawaaqday Guushii ugu weyneyd ee Dagaalka Alshabaab.

Maamulka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay guushii ugu weyneyd ee laga gaaray dagaallada iyo Kacdoonka ka socda degaanada Gobolka Hiiraan.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa shaaciyey in Alshabaab laga xoreeyay degaano badan oo muddo 10 sano ka badan ay heysteen, isagoo u mahad celiyay ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka oo dagaalka kula jira Alshabaab.

“Degaano badan ayaa laga xureeyay Alshabaab..Anagoo sharaf leh oo dagaalameynaa ama anagoo sharaf leh ayaa dhimaneynaa..” ayuu yiri Yuusuf Dabageed oo jawaab culus u diray Afhayeenka guud ee Alshabaab Cali Dheere.

Guusha ugu weyn ee dagaalka laga gaaray ayuu ku sheegay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle in la furay degaanada u dhaxeeya Beledweyne iyo Buuloburte, ayna socon doonaan dagaallada inta laga wada xoreynayo Gobolka.

“Waxaan idinkugu bishaareynaa Baabuurkii Beledweyne ka baxa Buuloburte ayu toos u tagaa, Baabuurkii Buulobure ka baxana Beledweyne ayuu toos u imaanayaa. Midka ka baxa Beledweyne wuxuu toos u tegayaa Matabbaan” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Dhinaca kale War-saxaafadeed kasoo baxay dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa lagu sheegay in ciidamada qalabka sida oo kaashanaya dadka degaanka ay xureeyeen degaano dhowr ah oo Al-Shabaab ay horay u maamulayeen khasaaro xooganna lagu gaarsiiyay dagaaladii lala galay sida deegaanada, Yasooman, Nuur fanax, Buuraha qayaayaale, Garasyaani, Aboorey, Tardo, Sagal geed, Geedsamo, Inameey iyo Booco oo maanta laga saaray ayaa lagu sheegay Warsaxafadeedka.