Madaxtooyada oo shaacisay Liiska xubnaha Wafdiga Madaxweynaha ee Shirka Q/Midoobay.

Madaxtooyda Soomaaliya ayaa shaacisay liiska Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ka qeyb galay furitaanka Meertada 77-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey oo maanta ka firatnay magaalada New York.

Shirkan ayaa looga hadlayaa yareynta saboolnimada iyo xasillooni darrada, horumarinta waxbarashada, shaqo abuurka dhallinyarada, xal u helidda musiibooyinka dabiciiga ah iyo xuquuqda dadka la hayb sooco.

Xubnaha Wafdiga Madaxweynaha ku weheliya waxay kala yihiin:

1- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Abshir Cumar Huruuse

2- Wasiirka Wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi

3- Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari)

4- Madaxa Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Mudane Abuukar Daahir Cusmaan

5- iyo Agaasimaha Madaxtooyada Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii si weyn loo dhaliilay wafdigii uu Madaxweyne Xasan Sheekh u watay dalka Mareykanka oo lagu tilmaamay inuu u badnaa Beesha madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda dalalka ka qeyb galaya Meertadan, hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka soo qeyb galaya Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey, si uu u adkeeyo danaha iyo doorka dalkeennu uu ku leeyahay fagaareyaasha caalamiga ah.