Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalka oo Muqdisho ku Geeriyooday.

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka uu geeriyooday.

Allaha u naxariistee waxaa xalay Mudisho ku Geeriyooday Xildhibaan Maxamed Maxamud Mursal (Boorow)oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa dhaawac culus hore uga soo gaaray Qarax lala beegsaday magaalada Muqdisho 2018, balse uu ka badbaaday inkastoo uu saameyn weyn ku reebay, wuxuuna mar kale ka mid noqday Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Geeridiisa waxaa xaqiijiyey ehelkiisa, iyadoo ay tacsi u direen xildhibaano, mas’uuliyiin iyo dad kala duwan.