Muqatada Sadar oo taageerayaashiisa u qabtay inay 60 Daqiiqo uga baxaan Aagga Cagaaran.

Hoggaamiyaha kooxda Sadriyiinta Shiicada Ciraaq, Muqtada Al-Sadr, ayaa taageerayaashiisa u qabtay muddo hal saac ah inay gabi ahaanba isaga baxaan Aagga cagaaran iyo goobta dagaalku ka socday ee xarunta Baarlamaanka dalkaasi.

Isagoo khudbad la wada sugayee ka jeediyey magaalada Najaf ayuu ku sheegay in la joojiyo dhiigga daadinaya, isla markaana wuxuu raalli-gelin ka bixiyay dhibaatadda shacabka Ciraaq kasoo gaartay dhibaatadda dagaalka iyo dilka socda.

Hoggaamiyaha Muqtada Sadar ayaa dhaliilay Kacdoonka siduu isugu bedelay mid dagaal iyo fitno, wuxuuna sheegay in dhaqdhaqaaqa Sadariyiinta uu yahay mid asluub ​​oo u hoggaansan, isla markaana muddo 60-daqiiqo ay uga baxaan degaanka ku xeeran Baarlamaanka, ciddii ka bixi weydanaya aysan ka tirsneyn, lana joojiyo bannaanbaxyadii.

Khudbadda kadib waxay taageerayaasha dhaqdhaqaaqa Sadart bilaabeen in ay isaga baxaan agagaarka deegaanka Cagaaran kadib hadalka hogaamiyahooda kasoo baxay.

Wararklii ugu danbeeyay ayaa sheegay in taageerayashii Wadaadka Muqtada Sadr ay dhammaan isag baxeen Aaga cagaaran, iyadoo uu istaagay dagaalkii socday, xaaladuna ay hadda degan tahay, iyadoo cidiamada Amniga ay qaadeen Bandowgii ay shalay ku soo rogeen dlakaasi.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Mustafa Al-Kazemi ayaa sheegay in khudbadda Al-Sadr ay qof kasta saaran tahay mas’uuliyad akhlaaqeed iyo mid qaran si loo joojiyo xiisadda siyaasadeed iyo tan amni, isla markaana la bilaabo wadahadal degdeg ah.

Waxa uu intaa ku daray in baaqa Muqtada al-Sadr ee ah in la joojiyo rabshadaha ay ka dhigan tahay heerka ugu sarreeya ee waddaniyadda iyo u heellanaanta ilaalinta dhiigga Ciraaq.

Xarumaha caafimaadka ee Ciraaq ayaa sheegay in 30 qof ay ku dhinteen dagaallada dhacay, 700 oo kalena ay ku dhaawacmeen tan iyo Isniintii, oo ay ku jiraan 110 ka tirsan ciidamada ammaanka.