Sacuudiga oo ku dhawaaqay Olole Gargaar Malaayiin Dollar ah loogu ururinayo Soomaaliya.

Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday olole lacag loogu ururinayo Soomaaliya si gargaar loogu fidiyo dadka abaaraha ku dhufteen ee Soomaaliyeed.

Xarunta Gargaarka ee Boqor Salmaan ayaa maanta ayaa furtay wajiga labaad ee ololaha Gurmadka degdega ah ee loo fidinayo Soomaaliya kaasoo lacag looga ururinayo dadka Sacuudiga si loo yareeyo saameynta abaaraha iyo macluusha Soomaaliya.

Madaxa Guud ee Xarunta Gargaarka Boqor Salaam Dr. Abdullah Al-Rabeeah ayaa ku dhawaaqay ololaha wejiga labaad ee lacag uurinta oo ujeedkiisu yahay in lagu ururiyo lacag dhan 13 Milyan oo Dollar.

Waxa uu sheegay in ololaha gurmadka Soomaaliya uu salka ku hayo sida ay Boqortooyada Sacuudiga u doonayso inay garab istaagto dadka dhibaataysan ee u baahan gagaarka bini’aadannimo, loogana hortegi lahaa Macaluul ka dilaacda Soomaaliya.

Wejigii koowaad ee ololah Gurmadka dadka Sacuudiga ayaa lagu ururiyey lacag gaareysa 27 Milyan oo Riyal ($7.18 milyan), iyadoo wejiga labaad ee hadda biloway la filayo in lagu ururiyo lacag dhan 47 Milyan oo Dollar oo ah lacag ku dhow 13 Milyan Dollar.

“Waxaan daah-furnay wajigii labaad ee gurmadka deg-degga ah si ay uga qayb qaataan daboolidda baahiyaha bini’aadantinimo ee dadka ay saameeyeen abaaraha Soomaaliya, lacag dhan SR47.214 milyan si loogu taageero barnaamijyada cuntada iyo nafaqeynta carruurta, biyo iyo hoy loo siiyo barokacayaasha, iyo barnaamijyo nafo lagu badbaadinayo oo degdeg ah,” ayuu yiri Madaxa hay’adda Boqor Salmaan ee gargaarka.