Arrimaha ku cusub safarkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee Puntland iyo sida loo sagootiyey.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeyay safarkii uu ku joogay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Socdaalkan oo qaatay muddo shan maalmood ah ayaa maalmihii ugu horeeyay waxaa socday kulamo gaara oo ay yeelanayeen Xasan Sheekh Maxamuud iyo Siciid C/llaahi Deni, iyadoo aan la shaacin arrimaha ay ka wadahadleen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kasoo muuqday habeenkii Sabtida casho sharaf uu u sameeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, kadibna maalintii afraad ee socdaalkiisa oo ahayd shalay ayuu bilaabay dhaqdhaqaaq ku saabsan kulamo uu la yeeshay isimada Puntland iyo kormeerka hay’adaha maamulka Puntland.

Madaxweyne Siciid Deni, ku xigeenkiia Axmed Karaash iyo xubno kale ayaa madaxwene Xasan Sheekh kusoo sagootiyey Garoonka magaalada Garowe, iyadoo sidaasi lagu soo gabagabeeyay socdaalkaasi.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Puntland ayaa waxaa arrimaha ku cusub waxaa ka ka mida: In hoos loo dhigay maamuuskii soo dhoweyntiisa iyo in qarsoodi laga dhigay kulamada iyo arrimaha looga hadlayo kulamada labada dinac.

Xafiisyada Madaxtooyada Soomaaliya iyo Puntland ayaan sheegin faahfaahin ku saabsan kulamada ka socday magaalada Garowe, halka maamulka Puntland uu ka gaabsaday inuu ka hadlo safarka madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa la filayaa inuusan jiri doonin War-murtiyeed iyo heshiis ay gaareen labada dhinac oo laga soo saari doono safarkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee Puntland.