Dagaal ka Qarxay Caasimadda Dalka Ciraaq iyo Madaafiic ku dhacday Aagga Cagaaran.

Dagaal la isku adeegsanayo hubka fudud iyo Boobeyaasha culus ayaa ka qarxay caasimadda Baqdaad ee dalka Ciraaq, gaar ahaan Aagga cagaaran ee sida weyn loo ilaalo oo ay degan yihiin safaaradaha Shisheeye iyo xarumaha dowladda.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya maleeshiyada taageersan Wadaadka Muqtada Sadar iyo ciidamada Amniga dowladda Ciraaq, wuxuuna yimid, kadib markii ciidamada Amniga ay xoog uga saareen taageerayaasha Wadaadka Muqtada Sadar xarumaha dowladda ee ay qabsadeen maanta sida Madaxtooyada iyo xarunta Golaha Wasiirada.

Ciidamada Amniga ayaa Bandow kusoo rogay dalka Ciraaq, waxayna ku armeen dadka inay banneeyaan xarumaha dowladda, laakiin taageerasyaasha Muqtada Sadar ayaa ka hor yimid arrintan, waxayna iska hor imaad hubeysan la galeen ciidamada dowladda.

Rasaas xoog leh ayaa ka socodaa aagga cagaaran, waxaana la maqlay qaraxyo iyo Hoobiyeyaal ku dhacaya agagaarka Safaaradda Mareykanka, iyadoo ay xaaladu kasii dareyso, dagaalkuna sii xoogeysanayo.

Maleeshiyo hubeysan oo ka mida taageerayaasha Muqtada Sadar ayaa lagu arkay wadooyinka caasimadda Baqdaad, iyadoo ku socda Aagga cagaaran.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaar maleeshiyada Muqtada Sadr ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dagaalka socda magaalada Baqdaad…