Wasiirka isportiga ayaa maanta xilkii lawareegay.

Wasiirka cusub ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Xamse Siciid Xamse, ka dib, munaasabad ka dhacday Xarunta Wasaaradda oo goob-joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Wasiirka xilka wareejiyey shaqadii uu dalkiisa u soo qabtay, isagoo u rajeeyey Wasiirka cusub in Eebe u fududeeyo shaqooyinka qaranka.