Dood ka dhalatay Deeqdii Imaaraadka iyo Xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo Dib u sixid sameeyay.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa dib u saxay tiro oo hore u shaaciyey oo ku saabsan Konteerada deeqda ee dowladda Imaaraadka Carabta ka timid oo maanta lagula wareegay Dekadda Muqdisho.

Kadib xafladii la wareegidda mucaawinada oo ka dhacday Dekadda Muqdisho ayey xafiisyada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo kan Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee C/raxmaan C/shakuur ay kala shaaciyeen tirooyin kala duwan, taasoo dhalisay in baraha bulshada looga doodo.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa tirada Konteenarada markii hore ku sheegay 90 Konteenar, halka markii Xafiiska Ergey C/raxmaan C/shakuur uu shaaciyey 40 Konteenar, laakiin saacado kadib dood ka dhalatay tirada Konteenarada laga wareegay Imaaraadka ayuu xafiiska Ra’iisal wasaraha dib u sixid sameeyay isagoo soo saara yqoraalka soo socda:

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, oo uu wehliyo Wasiirka Wasaaradda Dekedaha, Gen. Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Maxamed Abuukar Zubeyr iyo masuuliyiin kale ayaa la wareegay deeq raashin oo ka timid dalka aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta.

Deeqda oo ka kooban 40 konteenar ayaa isugu jira cuntooyin kala duwan oo loogu talagalay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Dowladda Soomaaliya waxay ka shaqeyneysaa inay u gaarsiiso dadka ugu baahida badan ee gobollada dalka sida ugu dhaqsiyaha badan.
FG: Sixid tirada konteerada waa 40
.