Itoobiya oo Korontadii labaad ka dhalisay Biyo Xireenka GERD iyo Masar oo dacwad u gudbisay..

Itoobiya ayaa Khamiistii bilowday inay koronto kasoo saarto Qeybta labaad (Marwaxadaha labaad) ee biyo-xireenkeeda weyn ee Nile, iyadoo ay si weyn uga horjeedaan tallaabadan dowladaha Masar iyo Suudaan.

Ra’iisal wasaare Abiy Axmedoo shalay furay Matoorka labaad ee koronto dhalinta Biyo xireenka GERD ayaa sidoo kale xaqiijiyay in qaab 3aad lagu buuxinayo biyo-xireenka Itoobiya oo ay ku baxayso balaayiin doollar, taasoo ah arrinta keenay in Masar ay bishii hore ay Dacwad u gudbis Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Talaabadan Khamiistii, ayaa timid iyadoo aan wali heshiis laga gaarin xiisadda Itoobiya iyo dariskeeda Sudan iyo Masar ee ku saabsan howlaha biyo-xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam iyo qaabka looga shaqeysiinayo.

Abiy Ahmed ayaa sheegay inuu labada dal ee Masar iyo Suudaan u xaqiijiyo inaysan wax saameyn ah ku yeelan doonin mashruucan oo ku kacaya 4.2 bilyan oo dollar, waxaana uu ku baaqay in wadaxaajood lagu gaaro isfaham.

“Xaalad kasta oo kale ma joojinayso waxa aan bilownay, waana wax aan waxba tarayn. Waxaanu marar badan u sheegnay wadamada hoose, gaar ahaan Masar iyo Sudan, in anagoo awood ka dhalinayna aan horumarinayno dhaqaalaheena, sidoo kale (rabitaankayaga) inaan aragno muwaadiniinteena mugdiga ku nool inay arkaan iftiin,” ayuu yiri Abiy Ahmed.