Dhaawacyadii Gumeysiga u Geeystay Bulshada Soomaaliyeed.

Hadii aan si qoto dheer ugu fiirsano bulsho kasta oo dunidaan kunool waxa ey leedahay waxyaabo si gaar ah loogu tixgeliyo una ah dhaxal iyo soo jireen eey ka dhaxleen jiilkii iyaga ka horeeyay, hadaba bulshada Soomaaliyeed waa bulsho leh murti balaaran iyo hiddo qoto-dheer oo ey ka dhaxleen awoowyaashooda. Waxa aan ogsoonahay in Murtidu tahay waxa dadyooga dunida kunool madmadowga iyo halisahu kaga bixi karaan.

Gumeysigu waxa uu ogaaday in aqoonta iyo murtida Soomaalidu leedahay iftiin jaheeya bulshada, sidaa awgeed waxa uu ladiriray aqoonta iyo murtida Soomaalida si uu unaafeeyo horumarka bulshada Soomaaliyeed. Waxa uu ku dadaalay xoojinta inta xun-xun ee ku jirta hab-dhaqanka iyo nolosha bulshada, waxa uuna abuuray caadooyin fool xun kana muuqda maanta bulshada Soomaaliyeed isaga oo khalad adeegsaday murtida Soomaaliyeed.

Caadooyinka fooshaxun ee gumeysigu abuuray ama xoojiyay waxaa kamid ah; qabyaalada, musuqmaasuqa, eexda, cadaalad darada, tuugsiga iyo mashaqeeystinimada.

Hadaba, haddii aan tusaale usoo qaadano maahmaahda gumeeystahu curiyay  ee oraneyso “gaashaan gacantaada hakuugu jiro ama gacalkaaga hakuu hayo” waxa eey bulshada ku abuurtay kala shaki iyo qabyaalad xad-dhaaf ah taasi oo qaadan karto qarniyo badan si loo daweeyo.

Maahmaahda labaad ee  oraneyso “farahii dufan leh ayaa wax duuga” waa maahmaahda uu gumeystuhu khalad u adeegsaday  kuna xaday cuquusha qeyb kamid ah, bulshadana gaar ayaan dib u socdka Jecel in uu jideeysto musuqmaasuqa.

Maahmaahda 3aad ee oraneyso “lajoojiyaana banana la jiifiyaana banaan” waxa ey garsoorka maangaabka ah u horseeday in uu ku dhiirado in uu xukunka sidda saxda ah ka leexiyo.

Maahmaahda afaraad ee oraneeyso “Nina xilkiisa uma xoola la’a.” 

Waa mid eey daliishadaan inta shaxaadka iyo tuugsiga meheradoodu tahay.

 “Addunyadu waa ul geed suraneey abaal ma itaaraneeysaa”. waa oraah eey isku qanciyaan mashaqeeystayaasha doonayo in iyaga oo ceyr ah ka rawaxaan (galbadaan) dunida iyaga oo aanan ku baraarugsaneen in waxii wax qabad ah oo aan la imaano naga dhaxli doonaan jiilka naga danbeeyo.

Ugu danbeeyntii, raadkaas uu gumeysigu ka tagay waxa ey ka muuqataa qeyb kasta oo bulshada kamid ah, waxa eyna u baahantahay in raadkaas latirtiro. Aniga ahaan waxa aan isleeyahay waxa laguu tirtiri karaa raadka xun ee  gumeysigu nagu reebay in aan diyaarino Manhaj soo saaro Ubad kabarax La’ waxa uu gumeysigu ku beeray bulshadeena.