Qisadaani oo dhex martay Gabar iyo dukaan ay Mashiin ka iibsatay.

Wariye u dhalatay dalka Algeria oo lagu magacaabo “Khadija Benguenna” kana howl gasha warbaahinta weyn ee Al Jazeera ayaa ka sheekeysay qiso ay lakulantay mar ay tagtay dalka Mareykanka.
Waxay tiri: “waxaan aaday mid kamid ah dukaamada waaweyn ee lagu iibiyo alaabaha, anigoo sugaya in aan bixiyo qiimaha alaabtayda, ayaa waxaa soo gashay gabadh muslimad ah oo xijaaban, oo uu ka muuqdo daal oo siddata sanduuq culus waxay u tagtay gabadhii xisaabiyaha ka ahayd dukaanka.
Gabadhii Muslimada ahayd aya tiri: Marwo shalay ayaa mashiinkan kaaga iibsaday $500 isaga iyo dhawr shay oo kale.
Gabadhii xisaabiyaha ahayd oo mashquulsan ayaa tiri: waan gartay ma waxaad doonaysaa in lagaa celiyo?
Gabadhii Muslimadda ahayd ayaa ugu jawaabtay: Maya, waxaan rabaa in aan lacagtiisa bixiyo!.
Gabadhii xisaabiyaha ahayd oo weli mashquulsan aya tiri: Ma fahmin!! Miyaanad ii sheegin in aad shalay iibsatay?
Gabadhii Muslimadda ahayd ayaa tiri: Marwo weli ima fahmin, shalayto ayaa kaa iibsaday mashiinkan iyo alaabo kale waxaana ku bixiyay Credit Card-ka, markii aan guriga soo galay oo aan eegay qaansheegta (invoice) ayaa waxaan ogaaday in aadan ku xisaabin qiimaha makiinaddaan qaansheegta.
Sidaas darteed waxaan isku dayey inaan la xiriiro dukaanka si aysan dhibaato kaaga soo gaarin arrintaas awgeed, balse saacadihii shaqada ayaa dhammaaday.
Marka waxaan go’aansaday saaka in aan fasax shaqada ka qaato oo aan kuu soo qaado mashiinka, si aad u diwaangeliso oo aan lacagta u bixiyo, mana isticmaalo wax aanan lacag ka bixin.
Gabadhii si lama filaan ah ayay u istaagtay iyadoo aad u yaaban oo eegaysa gabadha muslimada ah intay hab siisay ayay dhunkatay iyado ilmaynaysa oo leh ma fahmin sida aad u go’aansatay in aad shaqadaada fasax kasoo qaadato adigoo kabaqaya in shaqada layga eryo waliba adigoo sida mashiinkan aadka u culus weliba adigoon wax qalad ah ku lahayn, Ee marwo maxaad u sameysay waxaan oo dhan?!!!
Gabadhii muslimada ahayd ayaa ku jawaabtay Islaamka ayaa ifaraya in aan ilaaliyo amaanada iyo in aan ka fogaado xaaranta waxay u sharaxday micnaha aaminaada iyo islaamka.
Shaqaalihii waxay u tagtay maareeyaheedii oo xafiiskiisa fadhiya, waxayna u sheegtay waxa ay samaysay haweenaydan Muslimadda ah.
Daqiiqado kadib, maareeyihi wuxuu shaqaalihii ku soo ururiyay dukaanka wuxuuna ka hadlay hab-dhaqanka gabadha Muslimadda ah wuxuuna u sharaxay sida ay wax u dhaceen iyo sida ay gabadhaan tusaale ugu tahay wanaaga wuxuuna yiri: waxay kudhaqantay wixi ay ka baratay diinteeda.
Dabadeed qof kastaa wuxuu weydiiyey isagoo aad u xiiseeynaya diinta Islaamka waxayna ugu sharaxday si yaab leh oo ay ka muuqato kalsooni, khushuuc iyo daacadnimo.
Markii ay dhammaysay waxa uu maareeyaha si adag ugu adkaystay in ay mashiinka hadyad ahaan u qaadato, balse marwada ayaa si xushmad leh uga cudur daaratay inay ka aqbasho.
Iyad oo sheegtay in ay doonayso abaal-marinta eebe ee aanay doonayn mashiinka.
Waxayna tiri: iga raali noqo ma doonayo in mashiinkan yar uu iga burburiyo abaal-marinta weyn ee Allah.
Dabadeed intay lacagtii bixisay ayay iska baxday hadalkii gabadha ayaa saameyn ku reebay shaqaalihi iyo macaamiil badan oo dukaanka “Supermarket” ku sugnaa.