TAARIIKH NOLOLEEDKII ABWAAN MOHAMED XAASHI DHAMAC GAARIYE OO KOOBAN.

GEERIYEEY XISHOODLAAY.
XEJIYAAY FOGEEYAAY.
XAASHA EE AF TAHANIMO.
HADII UU XABAAL GALAY .
ABWAANKII XIDIGIN JIRAY.
MURTIDII XAG LOO DAYO.
XULASHADA AHAYD IYO.
XARAGADDA HIGAADDII.
AYAA XARAFKII HOOSDHABI.

FARASKII XIDDIGAYSNAA XAKAMAHA AYAA SUDHI?
MOHAMED XAASHI KA SOCOYE SOMALAAY WAYNAKAA.

Alle ha u naxariistee Macalin Abwaan Maxmed Xaashi Dhamac Gaariye waxa uu 1950kii ku dhashay magaalada Hargaysa, Hooyadii Qamaansha Jaamac Xuseen waxay la dhashay oo la waalaalo ahaa Wiil iyo 4 hablood, Dhammaantood waxay ku noolaayeen magaalada Hargaysa.
Abwaanka Waxay hooyadii iyo aabihii kala tageen isagoo aan weli gaashaan qaadin, waxaana koriinkiisa intii badnayd la wareegtay oo kafaalo qaaday Eedadii.

Abwaanku waxa uu Waxbarashadiisii Dugsiga Hoose/dhexe iyo sare ba ku qaatay Magaalada Hargaysa iyo Sheekh Muddadii u dhaxaysay 1960kii illaa 1970kii, Kadib waxa uu abwaanku galay Kulliyadii lafoole sannadkii 1974kii halkaas oo uu ka qaatay shahaadada loo yaaqan BSC, Isla wakhtiyadaas Abwaanku isagoo Dhalinyaro ah wuxu bilaabay curinta Maansooyinka iyo hal abuurnimada, Waxa uu Abwaanku Dhalay 4 Hablood oo laba bahood ah kuwaaso la kala yidhaa Hodan Maxmed Xaashi iyo Hoodo Maxmed Xashi oo ay dhashay SAHRA MAXMED XUSEN NALEYE, oo ahayd Xaaska weyn iyo weliba Hiddo iyo Hibo oo ay u dhashay xaaskiisa Muna Qawrax oo iyada uu guursaday 02-12 2004.

Abwaanku isagoo illaa Wakhtigan uu geeriyoon doono ku dhex badweynta Curinta Maansooyinka iyo Suugaanta kala duwan ayaa waxa uu sameeyey Riwaayado badan oo ay ka mid ahayd Riwaayadda Dadka badankoodu aadka u hadal hayaan ee aqoon iyo af garad oo iyada ay wada sameeyen sxbkii Hadraawi , kuwaaso jilayaashi riwayaddana ay ka mid ahaayeen Maxmed Mooge iyo Shankaroon.

Alle ha u naxariistee Macalin Abwaan Maxmed Xaashi Dhamac Gaariye waxa uu ka qaybgalay oo weliba ahaa shamacyadii ugu iftiinka badnaa Maansooyinkii Taxanaha ahaa ee SIINLEY DA, Tasoo dalka ka curatay sannadkii 1973kii, Bilowgi Siinleyda ama ballaysinkeeda waxa iska lahaa Abwaan Maxmed Ibraahin Warsame Hadraawi, iyo Abwaan Cabdi Qays oo labaduba hadda nool.

Alle ha u naxariistee Macalin Abwaan Maxmed Xaashi Dhamac Gaariye waxa uu ka mid ahaa guddigii qoraalka af soomaliga, sannadkii 1976 Waxa uu Macalin ka noqday Dhowr Dugsi oo Sare, Sannadkii 1977 kii ayaa Abwaanka Loo bedelay Kulliyaddii LAFOOLE oo ka dhigi Jirey Suugaanta iyadoo Muddo yar kadibna loo magacaabay Guddoomiyaha Waaxda Suugaanta Soomaaliyeed.
1980 kii waxa uu Abwaanku ku wareegay Akadamiga Cilmiga Fanka iyo Suugaanta ee Muqdisho,
Tixihiisii Halku dhigga noqday ee Alle ha u naxariistee Macalin Abwaan Maxmed Xaashi Dhamac Gaariye waxa kamid ahaa ? Qasab kuma Balweyn karo, wallee Qaaf u jeedo leh qiimahayga kuma rido, Magac Waa qaashade, Wallee Qado Ma dhaafsado, Ninkii Beesha qaayima, qar haddu ku soo dumo, wallee ciida kama qaado,? Sidoo kale heesihii ugu magaca iyo quruxda dheeraa waxa ka mid ahaa TANAAD oo uu kaga hadlayey qoristii afka soomaaliga.

1979kii wuxu abwaanku ciriyey Riwaayad aan la jilin , oo aan ifkana iman oo la odhan jirey EED HOOYO LAGA GALAY.Riwaayaddan oo ku saabsanayd Dhagarta laga galay hablaha soomaliyeed ee marka laga danaysto lagu dafiro Carruurta, waxaana ku jirey heeso ay ka mid ahaayeen , Eed hooyo, bixiso, wiil gaabsi iyo dhaleeco.
Alle ha u naxariistee Macalin Abwaan Maxmed Xaashi Dhamac Gaariye Bishii December ee Sannadkii 1980kii waxa uu ballaysimah taxanihii maanso ee Dal iyo debedba maaxday ee deelleyda ee hor dhaca u ahaa halgankii hubaysnaa ee SNM Horseedka ka ahayd.
Alle ha u naxariistee Macalin Abwaan Maxmed Xaashi Dhamac Gaariye waxa uu ka mid ahaa foolaadka hal abuurka soomaaliyeed ee sida Geesinimada leh maansadooda ugu adeegsada caabbiga nidaamkii siyaad barre.

Alle ha u naxariistee Macalin Abwaan Maxmed Xaashi Dhamac Gaariye Waxa uu 1982kii ku biiray Urrukii SNM, taas oo runtii maal fiican ka soo gaadhay halgankii SNM .Wuxuu lahaa abwaanku diiwan uu ku ururiyey Maansooyiniisa oo aan weli la daabicin, Abwaanku wuxu ahaa Mid ku Gabyi kara Afka Carabiga, inglishka iyadoo uu 1996kii ka qaybgalay Tartan Suugaaneed afka carabiga ah oo lagu qabtay waddanka IVERY COST,halkaasoo uu ku guuleystay kaalinta koowaad, waxa kale oo abwaanku ka qaybgalay dhowr tartan oo lagu tartamayey Suugaanta Soomalida oo dhammantood ku guuleystay kaalmaha koowaad.

Alle ha u naxariistee Abwaan Gaariye ayaa si weyn loogu xasuustaa Gabayadii iyo Maansooyinkii dhaxal galka ahaa ee sida muga leh uga qayb qaatay nabadayntii beelaha iyo dib u dhiskii qaranka Somaliland, isagoo runtii hormood u ahaa odayashii isu keenay dhamaan beelaha Somaliland ee heshiiska waara ka dhaxdhaliyey walaalohooda colaadu ka dhaxaysay hadaba bal aan soo yara qaadano dhawr maanso oo kamid ahaa kuwo uu sameeyey wakhtigii nabadaynta lagu dhaxjiray . kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Gabayadii uu tiriyey sagaashamaadkii ee ku saabsanaa Qiimaha Nabada iyo Khasaaraha Colaadu leedahay Maansadii caanka noqotay ee Ergo, ayaa waxa uu tuduc ka mid ah ku yidhi
“Laba oorya walaaliyo – ilmaadeer is maquunsha
lama sheegin aduunkee – marka aan ugu liito
Mar aan eeda sokeeyiyo- ilmahayga ku waayo
Mar aan aayo la’aanta – seedigay ugu aaro oo
Walaashay asay qaado – mar haday aqalkayga
Haddii layga adkadiyo – hadaan raystey idhahdaba
Mar lay oohin u tahay – bal maxaan istafiiday?”
waxaa kaloo jirtay maansadii dhahar  oo uu abwaanku kaga hadlaayey waayihii markaas jirey. Waxay tidhi Dhahar.
Dhamme Maxamed Xaashow
Ina Xaashi Dhamacow
Dhaadmada dareenkiyo
Dhacdada iyo waayaha
Ninka ila dhadhamiyow
Jiilaalku dheeraa
Dhulka xaabki ka idlaa
Dhalma deys cirkii noqoy
Dabka dherigii saarraa
Dhagxantii bislayn waa
Inkastoo dhir xoogliyo
Dhamac yaab leh lagu shiday
Ma dhadhaab nuglaadoo
Sida dhaylo suulkiyo
Lagu goosto dhooshoo
Hilib laga dhishaa jira.
Dhamme Maxamed Xaashow
Ina Xaashi Dhamacow
Dhahar waa ninkiisii
Garashadu dhibtiisiyo
Dhaawaciisa weeyaan
Dhalanteedka beentiyo
Dhaymihiisu waa faan
Shilka dhacay ma moogee
Isagiyo dhanqalantada
Dhacantaa u kala rogan

waxaa kale oo jirta in sanadkii 2007 oo gaariye qaaday koobka aftahanimada  kaas oo lagu qabtay dalka swedan isagoo noqday abaha fanka somaliyeed
Sidoo kale Abwaanku waxa uu Miisaan ku lahaa bahda waxbarashada, isaga oo muddo dheer macalin soo ahaa, ayaa waxa uu casharo ka bixin jiray Jaamacadaha Hargeysa iyo Camuud.taas oo wakhtigan haatan uu macalinka ahaa jamacada Hargeisa university.

Alle ha u naxariistee Macalin Abwaan Maxmed Xaashi Dhamac Gaariye oo aan la soo koobi Karin taariikhdiisa,waxaan ku guddo jiraa inaan soo saaro dhawaan bugaagtiisii fanka oo dhamaystiran kuwa uu soo saaray iyo kuwa aanu wali daabicinba inaan soo ururiyo ayaan ku gudda jiraa insha allah kolay waxaan arkaa in fankii somaliyeed iyo dhaqankiiba uu ka tagay maskaxdii haysay lakiinse bal inaanu xusuustiisa iyo waxaa uu ka tagay noolayno waa inagu waajib .

geesi naga baxuu ahaa guul dhashuu ahaa halyeyqaranbuu ahaa allow godka kuu nuuri.amiin amiin amiin allow ehelkuu ka tagayna samir iyo imaan ka sii iyo dhamaan bulshada afka somaliga ku hadashaba .Amiim .Amiin .Amiin .Amiin .Amiin