XOG cusub oo laga helay sidii Alshabaab u fulisay weerarkii Hotel Xayaat & Howgalka Ciidamada.

Weerarkii Alshabaab u qorsheeyeen Hotelka Hayat ee magaalada Muqdisho wuxuu ahaa midkii ugu waqtiga dheeraa iyo mid ka mida weerrradii sida weyn loo diyaariyey ee ay ka qeyb qaateen ku dhowaad 10 maleeshiyo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ballanqaaday inuu dhici doono xisaabtan ku saabsan weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen Xayat Hotel, wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha sheegay inay dawladdu qaadayso mas’uuliyadda wixii ka dhacay Xayaat Hoteel, islamarkaana aysan dawladdu aqbali doonin in wixii ka dhacay Xayaat Hoteel ay mar kale dhacaan.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa imaanaya iyadoo faahfaahin dheeraad ah laga helayo sida uu u dhacay weerarkii Xayaat Hoteel. Sarkaal sare oo Amniga ka shaqeeya oo codsaday inana magaciisa la sheegin, maadaama aan loo oggolayn inuu la hadlo warbaahinta ayaa sheegay inay aamisan yihiin in Al-Shabaab ay sahamiyeen hoteelka ka hor weerarka.

Waxa uu sheegay in laamaha amnigu aamisan yihiin inay maleeshiyada weerarka soo qaadday ay daawadeen muuqaallo ku saabsan albaabada laga galo Hoteelka iyo qolalkiisa. Sarkaalka ayaa intaas ku daray in weerarkaas ay toos ugu lug lahaayeen toddoba ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaasi oo saddex ka mid ah ay isku kala qarxiyeen albaabka Hoteelka, mid qarxiyey baabuur, iyo mid saddexaad oo isku qarxiyey askar iyo saraakiil ka tirsan ciidanka kadib markii ay Hoteelka gaareen.

Qaraxan ka dhacay Hoteelka ayaa waxaa ku dhaawacmay sagaal ka tirsan ciidamada amniga oo uu ku jiro taliyaha nabadsugidda gobolka Banaadir Muxiyaddiin Warbac oo la sheegay inuu dhaawac fudud soo gaaray.

Qaraxaas ayaa la sheegay inuu dib u dhac u keenay hawlgalka daqiiqadii u horreeyey ee gurmadka. Sarkaalkaas ka tirsan laamaha amniga ayaa sidoo kale sheegay inay baarayaan suurto-galnimada in dad horey ugu sii sugnaa Hoteelka inay ku lug lahaayeen weerarka.

Mulkiilaha Hoteelka Cabdulqaadir Maxamuud Nuur oo loo yaqaan Faatul beeniyey in dad Hoteelka horey u degganaa ay weerarka ku lug lahaayeen. Wuxuuna sheegay in Hoteelku uu xaqiijiyo dokumentiyadaa dadka soo degaya. Waxaa sidoo kale uu beeniyey inay cid hub ku kaydsatay Hoteelka.

Saraakiisha Amniga ayaa sidoo kale xaqiijiyey in intii uu socday hawlgalka ay go’day jaranjarta Hoteelka, taasi oo dib u dhac u keentay ciidamada inay la dagaalamaan maleeshiyaadka Al-Shabaab. Sarkaalka sare ayaa sheegay in Al-Shabaab ay gooyeen jaranjarta si ay ciidanka uga hor istaagaan inay kula dagaalamaan dabaqa sare.

Hawlgalkan ayaa saacadihiisii ugu horreeyey waxaa gacanta ku hayey ciidamada booliiska rasmiga ah iyo kuwa gaarka ah ee Haramcad, hase yeeshee waxa goor dambe la wareegay ciidamada Gaashaan ee hoos taga hay’adda nabadsugidda qaranka. Hase yeeshee waxaa ugu dambayn hawlgalka dhammaystiray ciidamada Haramcad.

Hay’adhaa Amniga dowladda ayaan wax faahfaahin ka bixin sida weerarku ku dhacay, cidda fududeysay, Alshabaabka lagu dilay iyo sababta uu waqtiga dheer u qaatay.