RW Xamza oo la xisaabtamaya Mas’uuliyiinta Amniga iyo Digniin uu u diray Alshabaab.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa booqday qaar ka mida dadkii ku dhaawacway weerarkii Alshabaab ku qabsatay hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisal wasaaraha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu amray in dibedda loo qaado bukaannada dhaawacoodu halista yahay, ee aan dalka gudihiisa waxba lagaga qaban karin. Arrintan oo sanado badan ahayd waxqabadka xukuumadda Federaalka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in haatan uu dulqaadkii dhamaaday dowladda, wixii hadda ka dambeeyana aysan ahayn in lala noolaado ururka al-Shabaab. “Waxaan kala dooranaynaa inay iyagu [al-Shabaab] noolaadaan, ama inaan innagu noolaano, laakiin islama noolaan karno” ayuu yidhi Ra’iisal wasaare Xamza.

Wuxuu si weyn ugu mahad celiyay ciidamada kala duwan ee dawladda ee gurmad ka geystay, hawlgalkii lagu samatabixinayey dadkii ku go’doonsanaa hotelka Xayaat ee ay al-Shabaab weerartay iyo weliba soo afjaridda weerarkaas.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in dawladdu ay qaadanayso masuuliyadda wixii dhacay, isla markaana ay isla xisaabtamayso, lalana xisaabtami doonto cidkasta oo u xilsaarnayd oo shaqadaas dalka u haysay, si aan dhacdadaas oo kale markale u dhicin.

“Cid kasta oo gudan weyday waajibkeeda, cid kasta oo gaabis ka yimi, cidkasta oo xadgudub ka yimid, intaba waa lala xisaabtami doonaa” ayaa ka mid ahaa hadallada Ra’iisal wasaare Xamse oo caddeeyay inay isla xisaabtanka gaarsiin doonaan illaa halka ugu dambaysa