XIRIIRKA PUNTLAND IYO DOWLADDA FEDERAALKA OO SII XUMAANAYA.

Muqdisho (Wararka) — Laba bilood iyo bar ayaa laga joogaa markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la doortay. Dildillac siyaasadeed ayaa saameeyey isbahaysigii ku mideysnaa in isbeddel hoggaamineed uu ka dhaco Soomaaliya. Puntland iyo Jubaland waxay ku kala fogaadeen magacaabista Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni wuxuu filayay in lagala tashan doono soo dhisidda dowladda cusub maadaama uu sanad ka hor Muqdisho geeyey aragti isbeddel doon ahayd oo ku salaysnayd ‘badbaanin qaran’ keentayna soo bixistii ciidankii Badbaado Qaran iyo isbahaysiga badbaadinta oo ay Deni iyo Axmed Madoobe, Madaxweynaha Jubaland, ku mideysnaayeen.

Xiriirka Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu hoos u dhacay markii Puntland laga talogelin waayay wasiirrada ku meteli doona dowladda federaalka.

Ra’iisal Wasaare Xamse kalama tashan Deni Wasiirrada Puntland ku matali doona dowladda federaalka. Mas’uul sare oo ka tirsan maamulka Deni oo u warramay Puntland Post ayaa sheegay in dowladda cusubi ay qaadday waddadii dowladdii ka horreysay oo Wasiirradeedii Puntland ka soo jeeda ku garabsiiyeen dowladdii hore ku xadgudubka xuquuqda maamulka Puntland dhanka Waxbarashada iyo horumarinta.

Haddii xiriirka Muqdisho iyo Garoowe xumaado dhaawac weyn baa soo gaaraya sharciyadda dowladda cusub oo had iyo jeer lagu qiimeeyo sida ay ula macaamisho maamullada soo jireenka ah.

“Halis weyn baa jirta in Puntland gebi ahaanba iska ururin doonto Muqdisho oo kooxda Damuljadiid ay mar kale talada qabsadeen. Way suurtowdaa in Puntland ay dib u eegto waxa ugu jira taageerista midnimo kooxi ku adeegato mar kasta” ayuu yiri gorfeeye codsaday in magaciisa aan la xusin.