MUXUU YAHAY UJEEDKA AY KISMAAYO U TAGEEN WAFDIGA PUNTLAND?

Wafdi ka tirsan Puntland oo hoggaaminayo Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubaland.

Wafdiga Puntland waxaa safarkoodu daaran yahay ka qaybgalka aaska Wasiirkii Arimaha Gudaha Jubbaland Marxuum Maxamed Warsame Darwiish oo maalmo ka hor ku geeriyooday dalka Jarmalka.

Wafdiga Puntland waxaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ku soo dhaweeyeyn Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada Jubaland Aadan Khaliif Xaaji, wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo mas’uuliyiin kale.