Xeer ilaalinta Dowladda oo Dacwad kusoo oogtay Cabdalla Muumin iyo Damiin lagu sii daayey.

Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta SJS Cabdalla Muumin Axmed ayaa damiin lagu soo daayay, kadib markii Maxkamadda Gobolka Banaadir markii labaad maanta la hor keenay, iyadoo xeer ilaalinta oo meteleysa Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Soomaaliya ay Eedo cusub kusoo oogtay.

Weriye Cabdalla Muumin oo ciidamada NISA ka qabteen Garooonka Muqdisho 11-kii Oktoobar 2022, xilli uu dhoofi lahaa, ayaa lagu waeejiyay xarunta CID-da, waxaana markii labaad oo maanta la hor taagay Maxkamadda G/Banaadir ay xeer ilaalinta kusoo oogtay eedo ku saabsan qodobadda 219, 321 iyo 505 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

Xeer ilaalinta ayaa kiiska Dacwadda Xoghaye Cabdalla Muumin u dhigtay inuu dhibane ka yahay Qaranka, taasoo ah in Wasaradda Warfaafinta ay ka timid dacwadda.

Xeer ilaalinta ayaa dalbatay waqti dheeraad ah oo ay baarista kiiskan kusoo dhammeystirto, waxaana Maxkamadu ay siisay muddada ugu dheer oo 45 casho ah, iyadoo markaas kadib loo fariisan doono dhageysiga dacwadda.

Xogahayha SJS ayaa Goor dhoweyd Galabta damiin lagu sii daayey, waxaa socon doonta dacwadiisa iyadoo mudadda aadka u dheer ee baaritaanka kiiskiisa loo muddeeyay ay ka dhigan tahay in culeys lagu saaro mudaddaasi aanu hadli karin.