Madaxweyne Xasan Sheekh oo si adag uga hadlay dagaalka dowladiisu Shabaab kula jirto.

Waxaa muuqata in ay sii xoogeysanayaan dagaallada iyo howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee dowladda federaalka Soomaaliya, oo kaashaneysa dadka deegaanka ay kula jirto Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo horey u ugu dhawaaqay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, ayaa saacado kohor qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, ku sheegay in ficillada Shabaab ay yihiin kuwo aan la aqbali karin.

“Dib u noqosho ma jirto: Waa inaynu soo afjarnaa halista kooxda Al-Shabaab,”. Ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Wuxuu intaa ku daray madaxweyne Xasan Sheekh : “Soomaaliya waxay dagaal kula jirtaa koox argagixiso caalami ah oo arxan daran, akhlaaq daran oo aynaan aqbali karin inay dalkeena iyo dadkeena ku dhex noolaadaan kagana dhex shaqeeyaan afkaarahooda guracan,”.

Dhanka kale magaalada DhuusaMareeb ee xaruunta maamulka Galmudug, waxaa ka socda dhaqdhaqaayo dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab.

Waxaa halkaas gaaray mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo ka qayb galaya shir amniga deegaannadaas looga hadlayo oo bari furmaya.

.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid, ayaa BBC-da u sheegay in waxa kaliya ee hadda u furan reer Galmudug ay tahay in Shabaab ay la dagaallamaan.

“Shabaab waa inay naga adkaadaan ama aan ka adkaanaa, waddo kale oo haba-yaraatee umadda Soomaaliyeed u furan malahan,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, oo ka qayb galaya shirka Tana Forum oo looga hadlayo amniga kana dhacaya dalka Itoobiya, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo shacabkeedaba, ay go’aansadeen sidii dalka looga saari lahaa Al-shabaab.