Xasan Sheekh oo maanta tegaya xarunta Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Sheekh Maxamuud oo socdaal uga bilowday dalka Mareykanka ayaa maanta lagu soo dhoweynayaa Xarunta wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon.

Xoghayaha difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa marti gelinaya Madaxweynaha Soomaaliya, halkaasoo ay wadahadal ku yeelan doonaan labada dhinac, waxaana arrimaha laga wadahadli doono ka mida iskaashiga ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah Alshaaab.

Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Difaaca Mareykanka ayaa lagu casuumay saxafiyiinta, waxaana shir jaraa’id wada qaban doono labada mas’uul kadib kulankooda gaarka ah.

Mareykanka ayaa Dowladda Soomaaliya ka taageera dagaalka Alshabaab, iyadoo madaxweyne Joe Biden uu dib ugu celiyay ciidamo lagu qiyaasay 500 oo taakuleyn siiya ciidamada Soomaaliya, isla markaana fuliya weerarrada duqeynta ah ee diyaaradaha Drone-ka.