Ciidamada Danab oo Howlgal la fuliyey Xarunta ugu weyn Alshabaab ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamada Danab ee kumaandooska xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan xalay ka fuliyey degaanka Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan oo ah xarunta ugu weyn ee Alshabaab ka degan yihiin Gobolkaasi.

Werarkan oo ahaa kii ugu horeeyay ee Danab ku galaan gudaha degaanada Alshabaab ee Gobolka Hiiraan ayaa lagu bartilmaameedsaday saldhigii Al-Shabaab ay ku lahaayeen degaankaas.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay ugu yaraan 18 dhagarqabe oo ka tirsan Alshabaabm kuna sugnaa saldhigga xilliga weerarku dhacay.

Sidoo kale howlgalka waxaa lagu burburiyay saldhigyo, xafiisyo iyo goobo kale oo Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Buq Aqable oo 90 KM Koofur uga beegan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Degaankaan ayaa kooxda u ahaa mid istaraatiiji ah oo ay kasoo abaabulaan weerarrada iyo qaraxyada ee gobolka Hiiraan, waxaana dhowaanahan sii xoogeystay weerarrada ciidamada dolwadda iyo kuwa degaanka ku qaadayaan xarumaha Alshabaab ee Gobolka Hiiraan.